XOG: Damujadiid Oo Magaalada Cadaado Hub Kasoo Dajiyay Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Dhan Ah Ahlusunna Walajamaaca.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay Diyaarad hub u sida Damujadiid ayaa ka dagtay magaalada Cadaado.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Cadaado ay maanta kasoo dagtay diyaarad Hub u sida Damujadiid, Ilo wareedyadeena ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in magaalada Cadaado ay ka socdaan Abaabul dagaal oo ka dhan ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Walajamaaca oo ka arimiya inta badan deeganada Gobolka Galguduud.

Ilo wareedyadeena ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuna Walajamaaca ay dhankooda wadeen maalmihii lasoo dhaafay oo dhan u diyaar garoow sidii ay ulla wareegi lahaayeen gacan ku haynta magaalada Cadaado oo ay iminka doonayaan ururka Damujadiid inay ka dhigtaan Xarun.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo shaqsi shaqsi ah la qaatay saraakiil kasoo jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya, kulamadaas oo damaan inta badan saraakiisha uu mid walba kaga codsanayay inuu hogaamiyo weerarka ka danka ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, dhamaan inta badneed saraakiisha uu kulanka shaq shaqsiga ulla qaatay waa ay ka diideen marka laga reebo Yusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) oo ka ogolaaday qorshaa Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in Yuusuf Indha Cade uu soo gaaro deegaanada Galguduud todobaadka soo socda isagoo doonaya in weerar ay ku qaadaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Isku soo wada duuboo waxaa gabi ahaan meesha ka baxay rajadii loo qabay Maamulka curdunka ah ee Galmudug, waxaana la oran karaa maanta in Galmudug Iyadoo Dhicis Ah Ayay Dhimatay, waxaa sidoo kale ayaan daro ah in 2015 colaado foolxun ay kasoo jug leeyihiin gobolada dhexe ee Soomaaliya.

damujadiid