TOOS U DHAGEYSO: Madaxweyne K/xigeenka 1-aad Ee Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Xasan Gaboobe oo Ka Hadlay Doorashadi Gulleed iyo Xuduudaha Maamulkooda.

0

Madaxweyne kuxigeenka kowaad Maamulka goboladda dhexe ee Somalia Sh Xasan Gaboobe ayaa manta marki ugu horaysay saxafada la hadalay asago ka hadlay arimo badan oo gobolada dhexe quseeya.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobolada Dhexe Sh Xasan Gaboobe ayaa ugu horeyn sheegay in 1 di luuliyo 325 ergo ay Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Gobolada dhexe ku dorteen Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe Sh Maxamed Shaakiir waxaana uu sido kale sheegay in 3 di luuliyo isla magaaladaasi lagu dortay Madaxweyne kuxigeenada Maamulkaasi.

Mar u ka hadlayay Sheekh Xasan Gaboobe Mowqifkooda doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu shegay in aysan aqonsaneyn maamulkaasi lagu dortay Magaalada Cadaado waxaana uu intaasi ku daray in Dowlada dhexe ee Somalia lacagtii lagu qarash garayn lahaa difaaca wadanka ay galisay Doorashada Cabdikariin Gulled.

Mar wax laga waydiyay Xuduuda Maamulkooda meesha ay ku eegtahay ama gobolka ay xaduud la leeyihiin ayaa waxaa uu sheegay in Somalidu ay yihiin dad wada dhashay oo aan meel kala jirin balse madaama dastuurkeeni lagu dhigay fadaral xuduud way imanaysa balse waxaa muhiim ah in labada maamul ee isku dhagan ay ayagu isla fahman xuduudooda oo aysan noqon wixii cadaado ka dhacay oo lagu sheegtay dhul ay dad kale leeyihiin.

Asago hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi waxaa uu sheegay in Maamulkoodu uu gudi u saari doono arimaha Xaduudaha iyo gudigaasina uu war cad ka soo saari doono arinkaasi.

Waraysigaan oo dheer islamarkana dhinacyo badan taabanaya waxaa ka dhagaysan kartaa qaybaha hoose ee qoraalkan.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA