Top News:Kenya oo soo bandhigtay sawirada lix nin oo suurta gal ay tahay inay bishan weeraro ka gaystaan Magaalada Nairobi

0

Laamaha ammaanka Kenya, ayaa sheegay Ururka Al Shabaab inay qorsheysanayan weerar ay bishan Ramadan ka fuliyaan Magaalada Nairobi Ee Xarunta Wadanka Kenya.

Sirdoonka Kenya, ayaa sheegay lix nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab inay gudaha u soo galeen Magaalada Nairobi, si ay kaga gaystaan weerar abaabulan oo ay qorsheynayaan.

Warbixin uu soo saaray Sirdoonka Kenya, ayaa waxaa lagu soo bandhigay magacyada iyo sawirada ilaa lix nin, oo sida la sheegay ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli Sirdoonka Kenya ay sheegeen inay baxsad yihiin raggaasi.

Magacyadooda, ayaa waxa lagu kala sheegay Raama Mabawana Mabega, Salim Jamaal Mawangi (Jamalow), Mubaarak Abdi Huka, Ibrahim Magag, Abdalla Suleymaan Makhtuum, halka ninka ugu dambeeyana magaciisa lagu soo koobay Omar.

Warbixinta waxaa lagu sheegay weerarkan inay fulin lahaayen ilaa sagaal nin, balse saddex ka mid ah lagu dilay weerarkii, ay Shabaabku ku qaadeen Xerada Ciidanka Militariga Kenya ku lee yihiin Baure, oo dhacda duleedka Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta. Militariga Kenya waxay weerarkaasi ku dileen 11 ka mid ah dagaalama-yaasha Al Shabaab, oo laba ka midi ay caddaan ahayd. Weerarkan ayaa dhacay 14-kii bishii hore ee June.

Ragga la soo bandhigay, ayaa waxaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Kenya iyo Somaliya. Ibrahim Magag oo Somaliya u dhashay, ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Britain. Magag waxa uu si qarsoodi ah kaga soo baxay dalka Britain, 26-kii bishii December ee sanadkii 2013-ka.

Warbixinta waxaa bulshada reer Kenya looga dalbaday inay soo sheegaan xubnahaasi, haddii ay goob uun ku arkaan, haddii ay halis ku yihiin nolosha dadka reer Kenya iyo weliba ammaanka.

Kenya, ayaa waxay la tacaalaysaa weerarada kaga imaanaaya Ururka Al Shabaab, kuwaa oo ka dhashay markii Ciidanka Militariga Kenya, ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, bishii October ee sanadkii 2011-ka.1