Doorashada Guuleed Waa Gablan iyo Guuldarro u soo Hoyatey Galmudug! W/Q Ahmed-nur Mohamed.

0

Bilihii ugu danbeeyey waxaa magaalada Cadaado ka socday dadaallo lagu doonayey in lagu dhiso Maamul Goboleed mideeya dadka gobolada Dhexe, waxana dadaalkan qayb ka ahaa Dawladda Federaalka, dadka degaanka, waxgaradka iyo aqoonyahanada. Ujeedada ugu weyn ee maamulkan laga lahaa waxay ahayd in laga baxo maamulada yar yar iyo in la dardargeliyo nidaamka Federaalka oo dhismaha Maamul Goboleedyadu muhiim u yihiin.

Shirka waxaa garwadeen ka ahayd Dawladda Federaalka oo ay awoodeeda haystaan kooxda Damul Jadiid oo u arkayey in qabsashada Gobolada Dhexe ay laf dhabar ugu tahay mashruucooda siyaasadeed ee ballaaran. Waxay hore bilaabeen dagaal ay ku qaadeen degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel si ay awoodda degaanadaasi uga faramaroojiyaan kooxda qunyar socodka ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Inkastoo markii hore ay guulo ka gaareen dagaalka, iyagoo soo kiraystay ama hubeeyey burcad badeed, maleeshiyo beeleed, qaar ka mid ah ciidamada dawladda iyo canaasiir xagjirah, haddana wadaadada Ahlu Sunnah dib ayey isu soo abaabuleen, waxana ay gobolka ka saareen kooxiihii shuftada ahaa ee shaarka dawladda loo geliyey.

Magaalada Cadaado waxaa weli ka sii socday shirkii ay farsamada gacanta ku hayeen kooxda Damul oo afduubay hanaankii wax lagu dooranayey. Waxaa la sheegay in baarlaman kooban wax lagu dooranayo oo aysan Madaxda sare dooranayn ergo tira badan oo ana codkooda la iibsan karin. Haddii ergo afar boqol amma shan boqol ah ay wax dooran lahayd, waxaa adkaan lahayd in codkooda la iibsado.

Haddaba, haddii maanta la cod laiibsaday lagu doortay Cabdikariim Guuleed, waxaa cad in aysan waxba iska bedddelayn xaaladdii degaanada Gobolada dhexe. Dadka Gobolada Dhexe, waxay lumiyeen fursad ay ku dhisi lahaayeen mustaqbal wanaagsan haddii ay dooran lahaayeen Axmed Cabdisalaan iyo Axmed Macallin Fiqi; oo ah rag bulshadana magac ku leh oo loona han weynaa. Labadan Mudane waxay is-fahaam la geli lahaayeen dhammaan dhinacyada ka horjeeday doorashada Cadaado ama ay saamayn ku yeelan karto.

Cabdikariim ma aha nin fahmi kara duruufta degaanka taalla iyo caqabadaha ku xeeran, isla markaana xal u keeni kara. Ma muuqato rajo uu ku abuuri karo inuu la shaqeeyo Maamulada iyo dalalka deriska ah sida Puntland iyo Itoobiya isagoo xilli hore si cad Madaxweyne Xasan ugu dhaleeceeyey heshiishkii uu Garoowe kula gaaray Madaxweynaha Puntland ee uu ku sheegay in waxa Maamulka loo samaynayo ay tahay Galguduud iyo Koonfurta Mudug. Xilligaasi, Cabdikariim waxa uu iska dhigayey nin halyey ah oo difaacayey danaha dadkiisa, mana jirin wax ay isku qabteen Madaxweynaha ee waxay ahayd bal ismuuji.

Marka la eego Madaxweyne ku xigeenka oo lagu magcaabo Maxamed Xaashi Cabdi Carrabeey, waxa uu mar isku magcaabay Madaxweynaha Central State oo aysan jirin cid u dooratay. Mudane Carrabeey oo anigu shaqsiyan aqoon u leeyahay mudana howlo badan soo wada qabanay waxa uu ka mid ahaa kooxaha xagjirka ah ee taageersanaa fikirkii Maxkamada Islaamiga ah isagoo ka mid aha kooxda dhaqaalaha dibadda uga soo ururin jiray ururkaasi argagaxisda ahaa. Carrabeey waxa uu ka mid noqday raggii magaalada Asmara tegay, gaar ahana garabkii uu hoggaaminayey Xasan Daahir Aweys. Sannadkii 2011-kii waxaa lagu xiray dalka Itoobiya isaga iyo koox la socotay, waxana muddo bil ah oo ay xabsiga ku jireen ka dib loo musaafuriyey dalka Ingiriiska. Waa nin aan haba yaraatee wax taageero ah ku lahayn dadka uu ka soo jeedo waqooyiga Galguduud, wuxuna muddo uga dhex raadinayay taageero dadkiisa maamulkii Central state wuuna ku guul dareystay.

Caqabadaha ay waajhayaan

Raggan ku guuleystay Madaxtinimada Galmudug oo ay muuqato kartidarradooda iyo in aysan meesha ku iman rabitaanka shacabka iyo kartidooda, waxay waajahayana caqabado kaga imanaya degaanka iyo dhinacyo ka baxsan, mana muuqato awood ay ku maarayn karaan caqabadahaasi.

Maamulka Ahlu Sunna oo dhowaan Madaxweyne doortay waxay degaanadooda ka mamnuuceen Maamulka lagu soo dhisay magaalada Cadaado, iyagoo sheegay inay gacan bir ah kala hor tegayana cid kasta oo degaanada Mamaulkooda ku soo xadgudubta. Ahlu Sunnah waxay isku fidisay Galgudduud, qayb ka mid ah Hiiraan iyo Mudug, waxana la sheegayaa inay taageero ka helayaan Dawladda itoobiya iyo Puntland oo si dadban u taageeraysa maaddaama kooxda Cadaado ku shertay ay sheegteen dhul ay maamusho Puntland.

Doorashadan Maxa uga dhigan tahay Damul Jadiid

Damul Jadiid waxay gaareen arrin ay u arkaan guul taariikhi ah maaddaama ay awoodooda gaarsiiyeen gobolada dalka oo saamayn ku leh siyaadda waddanka, gaar ahana marka la eego hiigsiga 2016. Kooxdu waxay shirka Cadaado ku bixisay dhaqaalihii dalka sida musharaadkii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada. Waxaas oo dhan waxay ku beddesheen in la doorto Cabdikariim Guuleed si siyaasadooda mustaqbalka ay u sii dhisaan.

Damul Jadiid waxay ugu yaraan doonayaan inay laba Mamaul Goboleed gacanta ku dhigaan, isla markaana labo kale isbahaysi siyaasadeed la sameeyaan si ay dib ugu guuleystaan hoggaaminta dalka marka la gaaro waqtiga mudadoodu ku egtahay ee 2016.
Dadka Gobolada Dhexe iyo Soomaalida oo dhan waxaa u taalla inay ka jawaabaan, mustaqbalkiina siyaasadeed iyo xulitaanka baarlamankiina ma ma waxaad magan ugu noqonaysaan Cabdikariim Guuleed, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan? Aniga waxaan leeyahay waa maya!.

Haddaba, mar haddii lacagtii qaranka lagu doortay Cabdikariim Guuleed, oo horay ugu fashilmay inuu sugo ammaanka magaalada Muqdisho, waxaa aniga ii muuqata in uusan midayn karin oo waxba ka qaban karin gobolo ay adag tahay duruufaha ay la nool yihiin. Dadka Galmudug degan oo muddooyin ku soo jiray dagaallo iyo xaalad adag, nin xarun ka dhigta Muqdisho waxba uma qaban karo.

Wixii meesha ka dhacay waxay ahayd dhalanteed iyo ruwaayad aan socon doonin, qofkii u haysta in Guuleed uu khayr u wado gobolada dhexe waa qof hurda oo aan waxba la socon. Waxa aan filnaaba waa musuqmaasuq, eex, qabyaalad, dano kooxeed iyo dagaalo ka soo cusboonaada Gobolada Dhexe, waana in wixii ka dhasha doorashada Cabdikariim Guuleed qaadaan dadkii codkooda iibsaday ee doortay iyo guud ahaan dadka degaanka ee aan hadhow la eedayn Damul Jadiid keligeed.

Ahmed-nur Mohamed
Saxafi madax-banaan
Axmednuur59@gmail.com