TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Amaro Cusub soo saaray

0

C/qadar Muuse Guure Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga ee maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaasi ayaa in ay deegaanada Maamulka Puntland ka mamnuuceen in aan lagu dhex arki Karin Gawaarida leh Muraayadaha Madoow.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay deegaanada Maamulka Puntland sidoo kale ka mamnuuceen gaadiidka aan lahayn Taarkada ee iska dhex socda Magaalooyinka ay maamulaan Maamulka Puntland.

C/qadar Muuse Guure Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga ee maamulka Puntland ayaa xusay in ay ku dadaalayaan xaqiijinta Amniga shacabka iyo Masuuliyinta Maamulka Puntland.