XOG: Maxaa Xigaya Libaaxa Dhagihiisa Ee Qabta Lagu Yiri Cabdikariin Xuuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi?

0

Soomaaliya xaaladeeda subaxba meel ayay soo maraysay gaar aaan gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaa sida caadadaba u ahayd urur diimeedka Damujadiid ay Goboladi Dhexe la yimaadeen hab dhaqanki ay ku soo qurunsadeen Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho hab dhaqankaa oo ahaa laaluush iyo musuq maasuq.

Waxaa maanta ka dhacday magaalada Cadaado sida la sheegayay wax loogu yeeray Doorasho taa oo lagu dooranayay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, xaqiiqduse waa ay ka fogeyd sidaa waxaa magaalada Cadaado ka dhacay waxa ay ahaayeen Hoo lacagtan magaceygana halkaan ku qor ee ma aysan ahayn doorasho xalaal ah.

Haddaan usoo laabto cinwaanka qoraalkeyga ee ah Maxaa Xigaya Libaaxa Dhagihiisa Qabta Lagu Yiri Cabdikariin Xuuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi? Jawaabtu waa sahal waana (Cabdikariin Xuuseen Guuleedoow Cirka Ka Furo Xafiis Dhulka Galguduud iyo Mudug ka furan meeysaane), maxaadse kala socotaa guuxa soo yeeraya?

Ximin Iyo Xeeb

Maamulka Ximin iyo Xeeb ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado ayaa waxa ay mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo Shacabkiisuba aad u daneenayeen laba arimood midkood inay helaan maadaama ay marti galiyeen shirka maamul usameynta Gobolada Dhexe islamarkaana ka tanaasuleen maamulkoodi in mudo ah u shaqeenayay.

(A)Madaxweyne (B) Caasimadda Maamulka gobolada dhexe

Labadaas qodobba Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Maamulka Ximin iyo Xeeb waa ay waayeen, makula tahay inay ka tanaasulayaan danihii loo yagleelay Ximin iyo Xeeb?Mase kula tahay (Nin Inuu Kursigiisa Nin Kale Uga Kacayo?) Jawaabtu waa maya sida muuqata, Mas’uuliyiinta Ximin Iyo Xeeb dhaqaaqooda ugu horeeyaa waxuu noqonayaa inay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ay ku yiraahdaan, shirkii cadaado waa dhamaaday xiligii martigalintana waa dhamaatay ee meelaaad ka timaadeen ku laabta.

Galmudug

Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay koonfurta ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa waxa uu markuu dib uggu laabto deegaanadiisa qorshenayaa inuu xajisto Maamulkaas marnabana uu u tanaasulin unna diido in uu cag soo dhigo deegaanaadiisa Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug Qaybdiid ayaa marnaba sida xaqiiqda ah aqbali doonin in doorasho aan si cadaalad ah u dhicin la yiraahdo waa lagaaga guuleeystay ee tanaasul, waa haddii aan la hordhigin wax weyn oo uu ku qanco soo isaguna xaalkiisa noqon maayo (Nina Nin Kale Kursiga Uu Ku Fadhiyo Ugama Kaco?).

Ahlusunna Waljamaaca

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca waxa ay la wareegeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka lagu soo yagleelay Cadaado madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkana looga dhigay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), maalmo ka hor Ahlusunna waxa ay doorteen Madaxweyne iyo afar Madaxweyne ku xigeen sababta ay dhamaan sidaa u sameeyeena wax kale ma aysan ahayn ee waxaa si cad loogu diiday doorki ay ku lahaayeen shirka cadaado, waxaana xaqiiqo ah In Ahlusunna Waljamaaca ay xiriir adag la leeyihiin awoodo shisheeye.

Odayaasha dhaqanka iyo dhamaan shacabka degmooyinka iyo deegaanda hoostaga Caabudwaaq, Balanballe Ceelbuur iyo Guriceel waxa ay si cad u taageersan yihiin Ahlusunna Waljamaaca islamarkaana awood ciidan oo Maamulka Ahlusunna ah ayaa degmooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ku sugan, soo taasina ku tusi mayso in dhamaan deeganada Galgduud iyo Mudug laga oranayo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), Cirka Ka Furta Xafiis Dhulka Galguduud iyo Mudug ka furan meysaan xafiis’e).

Dhinaca kale laba arimood oo kalena xisaabta ku darsada, A) Maamulka Puntland si cad  ayay ugasoo horjeedaan qorshaha Damujadiid ee gobolada dhexe ee dhowaanahan ka socday maantana dhashay shaqsiyaad ka tirsan Damujadiid inay ku habsadaan xilalka B)Damujadiid oo doonaya haddii sida ay doonayaan shaqeyn weydo in dadka gobolada dhexe isuku laayaan taas oo halisteed le in dib loogu laabto waqtigii muqgdiga ahaa ee 1991 ee iminka laga soo kabsaday, nasiib wanaagse dadka gobolada dhexe waxaan rajeenayaa inay noqdaan kuwo ka hortaga shirqoolkaas .

Ugu dambeynti waxaan oran karaa lama dooran Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saaxiibkiis Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ee waa la lug gooyay saa waxaa LAGU YIRI QABTA LIBAAXA DHAGIHIISA waxaase xaqiiqo ah ninkii Libaax dhagihiisa qabtaa isagaa cirka roob ku og.

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)