War Deg Deg Ah+ Akhriso: Wareega Labaad Iyo Sida Codadka Ay U Heleen Musharixiinta Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug. Iyo Wareegi 3-aad.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Cadaado oo ay hadda kusoo gabagaboowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ku Guuleeystay Cabdikariin Xuuseen Guuleed, islamarkaana lagu galay doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas.

Wararka ayaa intaas waxa uu ku darayaa in musharixiinta wareega labaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, ay sidan soo socoto u kala heleen codadka Xildhibaanada Maamulka.

Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne), waxa uu helay codka 32 Xildhibaan

Xasan Maxamed Warsame (Xasan Gureey), waxa uu helay codka 7 Xildhibaan

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), waxa uu helay codka 37 Xildhibaan
Musharixiinta Wareega Sadexaad ee doorashada usoo gudbay ayaa kala ah.

 

Bashiir Diiriye Shariif (Bashiir Feeraweyne)

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media