DHAGEYSO+SAWIRRO:Xuska 26-ka Juun oo caawa lagu qabtay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

0

Munaasabad lagu weynayay 55-guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa caawa lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Waasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed Odowaa. Xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka iyo Nabad sugidda, maamulka Gobolka, odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa sugaan ka hadlaysa qiimaha todobaadka xoriyadda goobta ku soo bandhigay fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, iyadoo taariikhdii loo soo maray halganka xornimo doonka Soomaaliyeed iyo markii ay gobolada Waqooyi xornimada qaadanayeen goobta ka jeediyay Axmed Ismaaciil oo waayo u jog ahaa xilligii xornimada dalka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in aqalka dowladda Hoose ee Xamar caawa lagu qabto xuska 55 guurada ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada ee todobaadka xoriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu intaa ku daray xornimada loo soo maray halgan dheer, bulshadana looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan todobaadka xoriyadda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed, looga baahanyahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in markale la abuuro jawi sahlaya in dib loo soo celiyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in taasi lagu sixi karo qaladaadkii horey u dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda ayaa ugu horeyn hambalyo u diray xuska 55 guurada bulshada ku nool gobollada Waqooyi, waxaana uu Alle ka baryay in sanadkan kiise kale ay ummadda Soomaaliyeed ku gaaraan bash bash iyo baraare.

Ugu mdabeyntii Madaxweynuhu waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo calanka Jamhuuriyadda laga taagay aqalka dowladda Hoose ee Xamar, halkaasi oo ahayd goobtii 1-dii Luulyo ee sanadkii 1960-kii laga taagay calanka Jamhuuriyadda, xilligaasi oo ahayd israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo markii ay Koonfurta xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga.

IB0A7642 IB0A7904 IB0A8081 IB0A8182 IB0A8234 IB0A8237 IB0A8450 IB0A8460 IB0A8462 IB0A8501 IB0A8540 IB0A8556 IB0A8580 IB0A8595 IB0A8604 IB0A8644 IB0A8692 IB0A8924

IB0A9078

IB0A8932 IB0A8967 IB0A8974 IB0A9015 IB0A9077 IB0A9094 IB0A9122 IB0A9135 IB0A9249 IB0A9255 IB0A9352 IB0A9399 IB0A9409 IB0A9434 IB0A9463