DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Munaasabad lagu xusayay dhalashada  boqorada Ingiriiska Oo Muqdisho Lagu Qabtay.

0

Munaasabad lagu xusayay dhalashada  boqorada Ingiriiska  Queen Elizabeth oo 89 sano jirsatay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Safaaradda UK ay ku leedahay waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo isugu jirta Soomaali iyo ajaanib.

Goobta xafladda ka dhacaysay oo lagu xardhay calaamada Soomaaliya iyo UK ayaa waxaa marti dharafta si hab maamuus leh u soo dhaweynayay Danjiraha UK ee Soomaaliya, Xaaskiisa iyo saraakiil kale.

Furitaanka xafladda ayaa waxaa lagu bilaabay astaamaha calamada Soomaaliya iyo boqortooyada UK,safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya danjire Nail Wigan oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu martida ku soo dhaweeyay xafladda waxaana uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin waxqabdkiisa labadii sano ee la soo dhaafay ahmiyada safaaradda ay u leedahay xiriirka labada dowladood, doorashada dalka Soomaaliya lagu qaban doono sanadka 2016-ka,dadaalada dalka lagu nabadeynaayo, kaalamada ay UK siiso Soomaaliya  iyo kuwo kale uu muhiim ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale mahadcelin balaaran u jeediyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya taageerada ay siiyeen diblomaasiyiinta UK ee jooga Soomaaliya, isgaoo sidoo kale tusaale u soo qaatay in sida dowladda UK ay ugu go’an tahay in la xoojiyo safaaradda British-ka ay ku leeyihiin Soomaaliya ay tusayso in boqorada Ingiriiska ay sadex kamid ah shaqaalaha safaaradda UK ee Soomaaliya ay abaalmarisay kadib markii ay muujiyeen howl karnimo.

Neil Wigan oo ku dheeraaday ahmiyadda safaaradda UK ay ka qaadan karto taageerada Soomaaliya ayaa sheegay in safaaraddan ay aheyd tii ugu horeysay oo dowlad ka tirsan midowga Yurub ay ka furtaan Soomaaliya ka dib burburkii dowladda Soomaaliya 1991-dii.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda UK ugu mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya isagoo hambalyo u direy Boqorada UK oo sanadkan ay tahay sanadkii 63 aad oo ay xilka boqodrtooyada dalka ay heyso.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii dagaalada sokeeye islamarkaana caqabada dhanka amniga ka heysatay ay tahay dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, isagoo beesha caalamka ka codsaday in ay dulqaad u yeeshaan arimaha Soomaaliya….

Waa sanadkii labaad oo dhalashada Boqorada UK ee laga xuso magaalada Muqdisho iyadoo munaasabadan ay imaanayso iyadoo danjire Neil Wigan bisha July ay bedeli doonto safiirka cusub ee dowladda Britian ay u soo magacowday Soomaaliya  danjire Harreit Mathew.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA: