Daawo Sawirrada:Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Maanta Ku Caro Baxay Duminta Guryaha Dadka Shacabka Ah.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan ka dib go’aanki Xildibaanada baarlamaanka Fedraalka in maanta horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku caro baxeen guryaha dadka shacabka ah iyagoo ugu dhaqaaqay burburin.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay maanta bur buriyeen guyo ay lahaayeen dad shacab ah oo ku yiil gudaha magalaada Kismaayo.

Guryahan ay maanta amarka ku bixiyeen Horjoogeyaasha Raaskambooni in dhulka lala simo ayaa waxay ku sheegeen in sharci daro lagu dhisay taas oo ah wax ka fog xaqiiqda sida ay xaqiijiyeen dadki lahaa guryaha iyo dadka deriska la ahaaba.

Sida ay ku soo waramayaan goobjoogeyaal ku sugan Gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay xaqiijiyeen in guryhan markii la burburiyay ay isla markiiba goobtaas la keenay qalab lagu diso guryaha taas oo muujinaysa in guryahaas dadka laga burburiyay islamarkiiba la siiyay oo ay dhisanayaan dad ku hayb ah Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeeysay oo ay tacadiyadan waxuushnimada ah ee lagu barakicinayo dadka aan ku haybta ahayn Maleesiyada Raaskambooni laga fuliyo gudaha magaalada Kismaayo waxaana mar walba si toos ah u geysta dadka ku haybta ah Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

burburin burburin1 burburin2 burburin3 burburin4 burburin6 burburin7 burburin8 burburin9 burburin10 burburin11 burburin12 burburin13 burburin14 burburin15 burburin16 burburin17 burburin18 burburin19 burburin20 burburin21 burburin22 burburin23 burburin24 burburin25 burburin26 burburin27 burburin28

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media