TOP: Dowlada Sacuudiga oo lacago adag dul dhigtay saraakiil katirsan Daacish.

0

Boqortooda Sacuudiga ayaa soo bandhigay abaal-marin ay siin doonto cidii soo hesha xog dheeraad ah oo la xidhiidha 16 qof oo ay magacowday.

Sacuudiga ayaa sheegay in uu siin doono qofkii macluumaad dheeraad ah ka keena ragan laba milyan oo doolar oo abaal marin ah.

ragan ayaa Sacuudigu ku Eedeeyay in ay ka danbeeyeen weeraro is qarxin ahaa oo lagu qaaday laba masaajid oo ay leedahay shiicada oo ku yaala gobolka Waqooyi ee dalkaasi.

Ururka Daacish ayaa hore u sheegtay mas’uuliyada weeraradan, iyagoo intaa ku daray in ay qaadi doonaan weeraro kale oo ay la beegsanayaan Shiicada Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka werwersan in ay bilaamaan rabshado u dhexeeya Shiicada laga tirada badan yahay iyo Sunniga dalkiisa.