DHAGEYSO:- Mareynkanka oo arimo amniga ka mid yahay ka taageeraya Soomaaliya.

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareynkanka ayaa iska kaashanaya arimo badan oo ay ka mid yihiin amniga,la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo waliba hirgelinta qorshaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay isugu dhafto ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in Dowlada Mareynkanka haatan u bisishahay inay kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wuxuu sheegay aweys in Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha howgalada la dagaalanka aragagixisada Wasaarada arimaha dibada dalka Mareynkanka oo soo gaartay Muqdisho ay balan qaaday in ka kaalmeyn doonaan arimo ay ka mid yihiin amniga.

Mudo 20-sano ka dib oo dalka uu dagaalo ku soo jiray ayaa Xukuumada Washintong waxay dib u bilowday kaalmadii caalamiga ay siin jirtay Soomaaliya.

Wafdi ka socda Dowlada Mareynkanka oo ay horkacyso Haweeneyda Wasaarada arimaha dibada Mareynkanka u qaabilsan xiriirka la dagaalanka Argagixisada ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho,waxayna is arkeen madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliy,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada dal.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA: