TOOS DHAGEYSO:- Guddigii Shalay Cadaado Looga Dhawaaqay Oo Lasoo Dhaweeyay.

0

Mid ka mid ah Nabadoonada kasoo jeeda gobalada dhexe ee dalka ayaa soo dhaweeyay guddi fududeeya shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, kaa oo shalay looga dhawaqay magaalada Cadaado.

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad , Ayaa sheegay in guddigani ay soo dhaweynayaan, una arkaan in uu yahay guddi loo baahnaa.

Suldaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo dhaweyn doonaan wax walba oo fududeyn kara shirka ka furmi doono degmada Cadaado ee maamulka lagu dhisayo.

Gudigaan ayuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono Afar qodob oo kala ah la shaqeynta amaanka, toosinta xalinta Khilaafaadka, bartakool dhanka shirka ah, iyo in musharaxiinta tartanka ku jira la mideeyo aragtidooda iyo wax ay qaban lahaayeen.

Degmada Cadaado ayaa shalay gudigaan looga dhawaaqay, waxaana la filayaa in dhawaan degmadaasi uu ka furmo shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso: