TOOS DHAGEYSO:- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo la kulmay guddoonka baarlamaanka Puntland.

0

Guddomiye ku xigeennada 2aad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka maamulka Puntland, halkaas oo ay uga wada hadleen sida uu baarlamaanka Federaalku uu waayo aragnimada iyo shaqooyinka qaar ula wadaagi lahaa baarlamaanka Puntland.

Kulanka kaddib shir jaraa’id oo ay Garowe ku qabteen guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan iyo guddomiye ku-xigeenka baarlamaanka Mahad Cawad ayay ku sheegeen in ay isla garteen inay muhiim tahay in wada shaqeyn joogto ah ay yeeshaan labada baarlamaan si waaya’aragnimada iyo xirfadda la heli karo looga wada faa’iideysto.

cawad

“Waxaan isla garanay baahida loo qabo in la is-dhaafsado waayo-aragnimada iyo waxyaabaha kale ee la heli karo, oo ay labada baarlamaan si dhow u wada shaqeeyaan, Waxaa kale oo aan isla garannay in ay muhiim tahay wada-shaqeyn dhex marta guddiyada baarlamaanka federaalka iyo kuwa ay isku shaqada yihiin ee Puntland si ay ugu biiriyaan waayo aragnimo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka ah mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka oo ay ku jiraan guddiyadu ay safar shaqo ku imaan doonaan Puntland marka uu furmo fadhiga baarlamaanka Puntland si ay ula wadagaan waayao-aragnimadooda.

Hoos ka dhageyso: