LIVE DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Mandhera “Nafteyda Halis Ayeey Ku Jirtaa”

0

Gudoomiyaha Magaalada Mandhera ee gobalka Waqooyio Bari Kenya Cali Ibraahim Roba ayaa walaac xoogan ka muujinaya amaanka magaaladaasi ka dib weeraro ay halkaasi ku qaadeen Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in naftiisa halis ay ku jirti, dhowr jeerna la’isku dayay in la dilo.

“Waxan ahay gudoomiyaha Mandhera, Nafteeda halis ayeey ku jirtaa, waxaana dhowrjeer oo hore la’isku dayay in la idilo” ayuu yiri Gudoomiye Cali Ibraahi.

Dowladda Kenya ayuu ka dalbaday in wax ka qabato xaaladda amaan ee degmadaasi, maadaama Al-shabaab ay kordhiyeen weerarada lagu qaadayo Mandhera.

Gudoomiyahan ayaa Jichihii lasoo dhaafay ka badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso: