TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Waxqabadka Maamulka degamada Shibis oo Banaanka La Soo Dhigay.

0

Munaasabadaan Xalay ka dhacday Xarunta Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir aya ujeedkeedu ahaa mid lagu so bandhigaayay Waxqabadka Maamulka Degmada Shibis, Munaasabada ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Masuuliyiin ka socotay Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan, qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Shibis. 
Furitaanka Munaasabada ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Shibis C/Fitaax Nuur Cali waxa uuna sharaxaad ka bixiyay waxa u qabsoomay Maamulkiisa mudada uu xilka haayayay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku guuleysteen iney wax ka qabtaan arrimo badan oo dhanka hormarka ah isla markaana ay isbedel la yimaadeen Xarunta Degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahn a duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa Maamulka Degmada Shibis ku amaanay isbedelka iyo waxqabadka muuqda uu ka sameeyay Degmada.

Gudoomiye Mungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay Maamulka Degmada Shibis.isla markaana ay ka caawinayaan dhinac walbo.

Sanadkaan 2015 ayaa Maamulka Degmada Shibis waxay qorsheynayaan iney dhisaan Suuqa Maana booliya, Iskuulka Saqaawu diin iyo Dhalinyaro Fanaaniin ah oo ay yeelato Degmadaasi.iyo arrimo kale.

Hoos ka dhageyso:

Daawo sawirro:

_MG_7809

_MG_7810

_MG_7813

_MG_7819

_MG_7834

_MG_7836

_MG_7838

_MG_7840

_MG_7882

_MG_7885

_MG_7890