TOP DHAGEYSO:- Saraakiisha Dowladda Ee Gedo Oo Sheegay In Ay Dileen Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab.

0

Saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab ka dib dagaal ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Buurdhuubo ee Gedo.

Halka lagu dagaalamay waxaa lagu magacaabaa Xamura, waxaana Al-shabaab ay jidka u galeen ciidanka dowladda oo halkaasi marayay, hase ahaatee dagaal saacado socday ka dib ay dib u laabteen ciidankii Al-shabaab.

Korneel Cismaam Nuux Xaaji, waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen Seddax ruux oo ka mid ah ciidamada Al-shabaab, mid ka mid ahna ahaa sarkaal sare oo uusan magaciisa sheegin.

Waxa uu sheegay Kornelka in sarkaalka Al-shabaab ka midka ah ee ay dileen aad looga yaqaanay deegaanada ku dhaw Buurdhuubo, islamarkaana baaritaano kale ay wadaan ciidanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa mararka qaar waxa ay weeraro kala kulmaan ciidanka Al-shabaab oo weli ku sugan meelo ka mid ah Gobalkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso: