TOP DHAGEYSO:- Howlgallo Amni Sugid Ah Oo Ka Bilawday Deegaanka Goofgaduud Ee Gobalka Baay.

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo waxa ay ka bilaabeen deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay, iyo sidoo kale nawaaxiga deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaankaasi Axmed Aadan Maxamed ayaa sheegay in howlgalkaan ay si gaar ah u wadaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo mararka qaar gacan ka helaya kuwa AMISOM.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay kusii siqayaan deegaano inta badan uu sheegay in Al-shabaab ay duulaan kasoo qaadaan, sidoo kalena ay jiraan iska caabin ay ku sameeyaan weerarka dhanka Al-shabaab kaga yimaada.

Saraakiil ka mid ah Al-shabaab ayuu sheegay in ay ku dileen weerarkii ugu dambeeyay ee ciidamada Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in amaanka guud ee deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay yahay mid hagaagsan, haatanna ay ciidanka u howlgalayaan sidii ay nabad uga dhalin lahaayeen deegaanada banaanka ka ah deegaankaasi.

Halkaan Hoo ka dhageyso: