"Daawo VIDEO" Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin”

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey
Munaasabadda maalinta Haweenka caalamka oo loo asteeyey 8-Maarso ayadoo
dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka haday doorka ay Haweenka
Soomaaliyeed xiligan ku leeyihiin siyaasadda iyo hormarka Dalka.

“Habaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan guud ahaan waxaan leeyahay Hambalyo, Hambalyo,Hambalyo waxaan idiinkugu hambalyeynayaa munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka oo ku beegan maanta, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan idiinkaga sheego inaanan marna la hilmaami karin doorka aad ka qaadateen badbaadinta nolosha ,nabadda iyo hormarka Soomaaliyeed, aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan idiin soogudbinayaa Hambalyo  kal iyo laab ah” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiye Jawaari.

“Waxaan doonayaa inaan ku booriyo Haweenka Soomaaliyeed in aad laba jibaartaan dadaalkiinna ku aadan hormarinta ganacsiga,dhaqaallaha wadaniyadda iyo dhammaan kaalin kasta oo aad u heysaan dadkiinna waayo waa xaqiiq ineysan bulshada Soomaaliyeed ka maarmin dadaalkiinna, waxaan kale oo doonayaa inaan halkaan ka muujiyo kaalinta siyaasadda ay kaga jiraan tusaale Guddiyada Dastuurka, Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Gudaha ee  Baarlamaanka Haween ayaa Gudoomiyeyaal u ah, Wasaaradaha Haweenka,Caafimaadka iyo Waxbarashadana Wasiirro ayey ka yihiin Haweenka, dhammaan guddiyada iyo hay’adaha kale ee Dowladdana wey ku jiraan”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Afhayeenka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyey Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku ammaanay dadaalka iyo isbedelka ay muujiyeen labadii sano ee ugu dambeysay,sidoo kalena waxa uu fariin u diray Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo uu ku booriyey iney Dalkooda Hooyo hormarkiisa kusii dadaalaan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Fariinta Gudoomiyaha Baarlamaanka:-


http://www.youtube.com/watch?v=5Q0phw5p-_w&feature=youtu.be

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka