(Dhageyso) Wajigii Labaad Ee Wadadda Dur Dur Galkacyo, Oo La Bilaabayo.

0

Maamulka Dagmadda Galkacyo Ee Gobolka Mudug Ayaa Sheegay iney Dhawaan Bilaabayaa Wajiga Labaad Ee Wadadda Dur Dur Oo Dhexmarta Xaafadda Garsoor Ee Waqooyiga Galkacyo.

Gudoomiyaha Dagmadda Galkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal Ayaa Ugu baaqay Dadka Dagan Xaafadaasi iney La Shaqeyaan Shaqaalaha Ku Howlan Howshaase, Wuxuunna Dhanka Kale Sheegay In loo Baahanyahay In Laga wada Shaqeeyo Danta Guud Oo Dadku Ay Udulqaataan Hadiibba Qofka Uu Gurigiisa Ama Baalihiisa Ku soo Aaddo Cabirka Ay Ku Socoto Wadda.

Magaaladda Galkacyo Mudooyinkii Udanbeeyay waxaa Ku Soo Badanayay Wadooyinka Laga Hirgalinayo Xaafadaha Qaar Oo Kamid Ah Magaaladda Galkacyo.

Hoos ka dhageyso Codka gudoomiyaha: