XOG:Dawladda Federaalka oo caqabad ku ah shirka Dib u heshiisiinta Dhuusamereeb.

0

Shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisidda Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo ah shirkii ugu horeeyey oo ay qabsadaan beelaha Gobolada dhexe si ay u gaaraan nabad una helaan Maamul kamid noqda federaalka Soomaaliya oo ay haatan majaraha u hayaan odoyaasha dhaqanka labada gobol maadaama dalku yahay federaal ayaa ilaa iyo goortii uu bilaawday la kulmayey caqabado ka imaanayey dawladda Federaalka Soomaaliya oo aan dooneyn inuu shirku guuleysto.

Shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul dhisida Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo ay kasoo qeyb galeen inta badan odoyaasha dhaqanka Goboladda dhexe, kuna bilaawday go’aanka waxgaradka labada gobol ayaa Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya  ku qasbanaaday inuu shirka tago uuna taageero, marka laga reebo taageerada afka ah ee Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa waxaa soo baxaysa in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Odowaa uu u diidey gudiga Farsamada inay tagaan Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale-na wasiir Odowaa wuxuu diidey Somali Stability Fund (SSF) lacagaha ay ugu talagaleen dib u heshiisiinta iyo Maamul dhisida lagu taageero shirka dib u heshiisiinta.

Xiriiro waxgaradka Deegaanka la yeesheen Guddiga Farsamada iyo Labada Hayadood oo kala ah CRD iyo FCA oo ah Hayaddaha loo dhiibay dhaqaalaha dib u heshiisiinta iyo Maamul dhisida Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegay inay ilaa haatan ka la’yihiin ogolaansho Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay tagaan shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb ka kaalmeeyaana tasiilaadka xaga dhaqaalaha ee uu shirku ugu baahan yahay habsami u socodkiisa.

Hogaanka Dhaqanka Galgaduud iyo Mudug oo soo dhoweeyey warsaxaafadeedkii Taageerada ahaa ee ay shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb u fidiyeen UNSOM, EU, AU, IGAD, AMISOM, UK iyo USA ayaa ka warsugaya sida taageerada beesha Caalamka loogu bedelo ficil. Hogaanka Dhaqanka Goboladda Galgaduud iyo Mudug ayaa beesha Caalamka u sheegay inaysan shacabka Soomaaliyeed taageeradiisa kala tashan koox dooneysa inay fara marooqsato talada dadka, caqligooda dhanna noqday sida doorashada 2016-ka ugu soo bixi lahaayeen,

Isku soo wada duube shirka Dib u heshiisiinta ka socda Dhuusamareeb ayaa odoyaasha dhaqanku ku kordhiyeen mudo 25 Maalmood ah sidoo kalana waxay Dawladda Federaalka iyo Beesha caalamka ka  codsadeen in shirka ku taageeraan dhaqaalaha uu u baahan yahay laguna taageero go’aanada kasoo baxa.