TOP NEWS:- Somaliland oo war cusub kasoo saartay wadahadalada Stanbul.

0

Maamulka Somaliland, ayaa war cusub kasoo saaray wadahadalada Stanbul, iyagoona ka digay in wadahadalada ay la galayaan doowlada Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan xubno asal ahaan kasoo jeeda Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isagu u kicitamay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, ayaa sheegay ineeysan aqbali doonin, in wadahadalada ay la leeyihin DF ay qayb ka noqdaan xubno kasoo jeeda Somaliland.

Shirka wadahadalada labada dhinac, ayaa furmi doona Axada beri ah, waxaana lagu wadaa inuu soo gabagaboobo maalinta Isniinta ah.

Biixi, ayaa sheegay in dadka ay la hadlayaan ay tahay DF, islamarkaasna lagama maarmaan ay tahay in shirka laga ilaaliyo xubno kasoo jeedo Somaliland.