(Sawirro) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo la kulmay Ganacsatada Dubai.

0

Ganacsatda Puntland ee ku dhaqan dalkaasi Emaaraadka ayaa kulan casho sharafa la yeeshay gudoomiyaha Rugta ganacsiga puntland Abdirahman warsame jama halkaasi oo ay ka dhacday is barasho iyo wada shaqayn ay gaadheen labada dhinac.

kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Abdirsaaq nuur ,wasiirkii hore ee Ganacsiga dawladii Cade muuse Abdisamad Abwaan ,Safiirka Somaaliya u fadhiya dalka Filand iyo dhamaan ganacsatada dalka UAE .

Kulanka ayaa ahaa mid xog waraysi iyo is barasho ku dheehan tahay iyadoo halkasi qudbadiihi laga soo jeediyay ay ahaayen kuwo talo iyo soo dhawyn ahaa isla markaana ay ganacsatadu sheegtay inay la shaqayn doonto Rugta Ganacsiga iyo maamulka Cusub.

wasiir Abdirisaaq oo la hadlaya ganacsata ayaa sheegay “Hadii aad tihin ganacsato u dhalatay deeganada puntland waxaa loo baahan yahay Suuq wayn oo ka baaxad badan kuwa aad hada ku shaqaystaan suuqasi oo ah mid ay maal gashadaan wadamada Deeqaha bixiya isla markaana dalkeenu uu u helo dawladu maal gashada oo inoo hor mariya
‘ .
dhanka kalena waxa isna goobta ka hadlay Gudoomiye Abdirahaman oo sheegay in loo bahan yahay in Ganacsata iyo Rugta Ganaciga ay wada shaqeyaan si loo gaadho ayuu yidhi horumar , waxa uu sidoo kale ka hadlay kastan ka laga wado Goldogob agteeda oo uu sheegay in uu meel wacan marayo .

Gudoomiyaha aya sidoo kale ka hadlay intii ay xilka hayeen hawla badan ay qabteen una qaban doonaan umada punrland isago sheegay in ay haayado badan kala hadleen in loo sameyo Saylad xoolaha ah oo casri ah waxana uu intasi raaciyay in ay muqadas tahay in ganacsiga puntland uu yahay laf dhabarta dhaqaale ee dalka.

si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Cusub ee Runta Ganacsiga Puntland Abdirahmaan ayaa ganacsata u sharaxay muhiimada ay leedahay in horumarka dalka laga shaqeyo iyo sidii loola shaqayn laha laamaha Dawlada .

Hoos ka daawo sawiradda:

Copy-of-IMG_0018-450x300 IMG_0016-450x300 IMG_0018-450x300 IMG_0046-450x300 IMG_0072-450x300 IMG_0090-450x300 IMG_00311-450x300 IMG_01301-450x300