(FAALO) Ilaalsha masiirka Bulsho weynta BEESHA SADE.

0

Baaq ku socda Nabadoonada oday dhaqameedka, Aqoonyahanada, waxgaradka iyo Bulsho weynta BEESHA SADE meel kaste ay dunida ka jogaan Arintu umma baahna in la siyaasadeeyo Waxa kaliya in al iswaydiiyo ah,

Waa maxay khilaafkaan in badan soo kala dhex galay saldhanada Ugaasnimo iyo Hogaaminta aay lahayd Bulsho weynta BEESHA SADE?

in badan oo waxgaradkeena kamida ah waxa ay isku mashquuliyaan wax ka ogaanshaha sababta keentay khilaafka, qaarkood waxa ay farta ku fiiqaan wax yaabo aan meesha munaasab ku ahayn qaar kalana farogelin aan loo baahnayn ku haayo iyaga oo ka eegaya danahooda  Runtii waxa ceeb inagu ah Bulsho weynta BEESHA SADE in manta aan ku doodno Saldhanadii Ugaasnimo oo soo jireenka ahayd ahna mid muqadas in aanan laga doodin laguna murmin waana muqadas Masiirka Bulsho weynta BEESHA SADE.

Waxaan ugu baaqayaa Nabadoonada iyo oday dhaqameedka inay maslaxadda guud ka hormariyaan maslaxadaha gaar ahaaneed, ayna ka digtoonaadaan inay qaaddo eex ama hunguri, aakhiradoodana dhaafsadaan adduunyada qof kale.

Waa suurogal in sababtu khilaafku tahay mid ama dhamaan qodobadaa iyo kuwa kaleba, waxaase biyo kama dhibcaan ah in khilaafku ka dhex aloosan yahay Bulsho weynta BEESHA SADE.

 dhexdeeda, loogana fadhiyo in ay iyagu xaliyaan khilaafka dhexdooda ah, iyaga oo ku salaynaya is ogolaansho iyo wada noolasho sidaa darteed waxaa mudnaanta leh in la abbaaro hanaankii aan xal ku heli lahayn, ugu yaraan xal ku meel gaar ah inta laga gaarayo xal waara Haddii aanan annagu is ogolaan cidina na ogolaan mayso, haddii aanan annagu wada jooginna cidina nala joogi mayso!.

Noloshu waa sida beer la beeraayo oo kale, waa mid u baahan in lagu wajaho  casharo, waayo aragnimo,diin,akhlaaq iyo dadnimo intaaba isugu jira,beer kastaba waxa laga  goos taa midho la mid ah,xagga dhadhanka iyo muuqaba kuwii lagu riday,mana dhacdo inta badan in midho dhadhan qadhaadh lihi ay soo saaraan kuwo macaan ah,dadkuna waa sidaasi,qofkastaaba wixii uu noloshiisa gashado ayuu ka helayaa, abaal iyo natiijana u no qoneysa.nolosha maantu,waa ta beri,ta berina waa tii shalay aad sameysay.

Immisaa maanta khaldaaya noloshooda, immisaa maanta beeranaya midho aaney  maha din doonin oo keeni doona mustaqbal argagax ku beeri doona, immisa maanta isu heysta ugu roonayaal, laakin mar aan fogeyn farta hoosta ka qaniini doona. immisa maanta loo taag,la yahay oo dantooda lagu baryayaa, immisa maanta bulshada waxyeelo ugu  maq an,oo isu heysta in aaney bulshada ka mid aheyn

Waxa aan u rajeynayaa Bulsho weynta BEESHA SADE Horumar,Sinan,Cadaalad,Wadatashi,Baraarujin,Midnimo,Barwaaqo intuba waxaan ku gaareynaa inan gacanteena ku dhalino oo aan nafteena mus,uuliyadeeda aan qaadno, qof kalane anan ka sugin wax qabad soomaaliyeed.

Waa inan joojino waxkasta oo ka hor imaanayo danta guud ee Umaddeena. Horumarka iyo Guusha hadii aan gacanteena ku keeni wayno waa inan sameyno dariiqii dhalinta naga danbeeyso ay ku gaari lahaayeen, jooji o dhaahda ah

Tariikhda ayada ayaa is qori doonto insha- allaah Illaahay ha waafajiya wixii qeyr ugu jira (Beesha Sade)  Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

Waxaa diyaariyay: Saciid Abdullahi Dirie {sayidusadaad} 
Email:- badbado12@hotmail.com/ binsaciid2006@hotmail.com/ fafed60@yahoo.com 
Tel: +252616750811- +252616863555