(Dhageyso) Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay Galgaduud.

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud islamarkaana hoostaga Degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in Maanta halkaa ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo dadka Deegaanka oo is Abaabulay.

Dadka Degaanka qaar kamid ah ayaa laga soo xigtay in Mudo Saacado ah maanta uu dhexmaray Al-shabaab iyo Maleeshiyo Degaanka ah oo is abaabulay Dagaal mudo socday,kuwaas oo ka soo horjeestay Amaro ay Al-shabaab dadka ku soo rogeen oo ah in Lacago Sakawaad ah ay bixiyaan.

Odayaasha Degaanka Xiindheere ayaa isku dayaya in ay dajiyaan Xiisada u dhaxeeysa Maleeshiyaadka Degaanka ee is Abaabulay iyo Al-shabaab.

Cabdi Cabdulle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa Kulmiye u sheegay in ay  Dadka Shacabka ah ay ka gacan siinayaan Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso warbixin Kooban