(Dhageyso) Koox Burcad ah Degmada Xamar-weyne ku dilay Nin Rayid ah.

0

ilaa hada lama oga sababta loo dilay ninkaasi magacisa lagsuoo gaabiyay C/Qaadir Laangare oo kamid ahaa dadka Degaanka balse waxaa goobta uu dilak ka dhacay gaaray Ciidamo Boolis ah oo Meydka usoo qaaday Saldhiga Xamarweyne.

Abuukar Maadey Cumar oo kamid ah Ehelada Marxuumka la dilay Waxaanna Uu sheegay in C/qaadir la dilay xili salaada subax u socday.

dhinaca kale Xog-hayaha Maamulka Degmada Xamarweyne Maxamed Xirsi ayaa goordhow noo xaqiijiyay in Ciidmaada Boliska Degmada ay baarayaan sababta dilka ka dambeysay iyo ragii dilka geystay intaba.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ninka Tooreyda lagu dilay iyo Kooxda dishayba ay Maandoriye isla isticmaali jireen.

Halkaan Hoose ka dhageyso  Wareysiyo: