(Dhageyso) Wasiir Fiqi “waxaan Gobolka u joogaa horumarinta Beeraleyda”

0

Wasiirka Beeraha Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo ku sugan Gobolka Sh/hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha uu la xiriiro socdaalkiisa Gobolka.

Fiqi waxa uu sheegay in Beeraleyda Soomaaliyeed uu kulamo la qaadan doono si uu wax uga ogaado baahidooda kadibna uu u sameeyo qorshe wax looga qabanayo waxii dhibaato ku ah.

“Waxaan horumarin doonaa Beeraleyda maadaama uu Gobolkaan ka mid ah yahay Gobolada ugu qanisan Soomaaliya, waxaan tagay Afgooye hadana waxaan tagi doono meela kale sida Janaale ” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale Wasiirka Beeraha waxa uu sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiskii Afgooye ee Beelaha ku dagaalamay Sh/hoose.

Hoos ka dhageyso: