(Dhageyso) go’doon iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Yeed.

0

Iyadoo Xaalad bini’aadanimo oo ay ka mid tahay Biyo la’aan ay ka jirto Degmada Yeed ee Gobolka Bakool  ayaa hadana Maamulka Deegaanka waxa uu ka cabanayaa go’doonka saaran Magaalada.

Gudoomiyaha Yeed Cabdi Saaqid Duwane ayaa sheegaya in Al Shabaab ay go’doomiyeen Degmada taasina ay sii saa’idisay Xaaladda bini’aadanimo.

Duwane ayaa ugu baaqay Dowladda iyo AMISOM in go’doominta ay saareen deegaanka Al Shabaab la iska kaashado sidii looga qaadi lahaa.

Al Shabaab ayaa go’doomiyay Magaalooyinka Bakool tan iyo markii laga qabsaday.

Hoos ka dhageyso: