WARKII UGU DAMBEEYEY : Liiska Madaxdii Lagu Dilay & Kuwa Ku Dhaawacmay Qarixii Muqdisho (Waad Aqoonsan Doontaa ?)

0

qarax2MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud Media) – Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya qaraxyadii ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay qaraxaasi, waxayna dhimashadu hadda sare u dhaaftay 22 ruux iyadoo dhaawacyadu ka badan yihiin intaasi.

Weerarkaasi oo lagu soo beegay xilligii salaada jimce lagu jiray ayaa waxaa ka danbeeyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo gudaha hotelka ku sugnaa iyo is miidaamiyeyaal jaakado qarxa xiran oo hotelka galay, waxaana waxyeelo gaaray mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo saraakiil kala duwan.

Waxaa ka badbaaday qaraxa oo si degeg looga kaxeeyay hotelka ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, waxaa kaloo ka badbaaday wasiiro ka tirsa xukuumadda iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka mid yihiin mas’uuliyiin:

DHIMASHO

1. Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir

2. Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )

3. Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse Xaaji Kafee (xildhibaankii bedelay Cali Khaliif Galeyr)

4. C/shakuur Mire Aadan

DHAAWAC

1. Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi

2. Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar

3. Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax

4. Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad

5. Salaad Cali Jeelle (Dhawac fudud)

Wasiir Jangeli waxaa la xaqiijiyay inaysan waxba gaarin marka laga reebo jug iyo boos hareey, waxaa kaloo ku dhintay qaraxa mas’uul la shaqeynayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka, laakiin waxaan sidoo kale waxba gaarin Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo badbaaday.

Allgalgaduud Media

Isha Ku Haay Had iyo Jeer