(Dhageyso) Ergada ku shirsan Magaalada Dhuusa Mareeb oo Dowladda dhaliil ujeedisay.

0

Xubnaha Ergada ee ku shirsan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga shirka Dib uheshiisiinta ee Magaalada Dhuusa Mareeb C/raxmaan Diinaari oo la hadlay Saxaafadda ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inay ka gaabisay, kaalinteedii kaga aadaneyd shirkaasi.
C/raxmaan Diinaari, wuxuu sheegay in doorkii ay ka filayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan muuqan, gaar ahaan wuxuu dhaliilay Wasaarada Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay inay masuul ka tahay, shirarka dib uheshiisiinta iyo kuwa looga hadlaayo arimaha Federaalka ee Gobolada dalka ka socda.
Wuxuu sheegay maadaama shirka uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Dhuusa Mareeb tagay in hami weyn loo qabay in Dowladda Soomaaliya kaalin muuqato ay ku yeelato shirkaasi, balse uu jiro gaabis badan oo dhanka dowladda loo jeedinaayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay taageersan tahay shirka dib uheshiisiinta ee ka socda Magaalada Dhuusa Mareeb, gogoshaasi oo ah mid nabadeed oo ay ku heshiinayaan beelaha Gobolkaasi dega.

Hoos ka dhageyso Codka: