(Dhageyso) TOP News:- Wafdi Wasirro Ah Oo Maanta Ku Wajahan Garbahaarey iyo Xildhibaanno shalay Gaaray.

0

Xilli Todobaadkaan Soo Socda La Filayo inuu Ka Furmo Magaaladda Garbahaarey Shirka Midnimo 2 Ayaa waxaa Shalay Halkaas Gaaray Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamanka Somaliya Oo Ka Soo Jeedda Beesha Sadde , Xilli Maanta Oo Talaado AH La Filayo iney soo Gaaraan Wafuud Heer Wasiirra Ah Oo Ka Imanaya Magaaladda Muqdisho.

 

Maxamed Cali Xaashi Oo Ah Xogheynta Shirkaasi Ayaa Usheegay warbaahinta In Shirka Ay hadda Ku kulmayaan Waxgaradka Beesha Sade ee gobolka Gedo Halka Wajigiisa Labaad Ee Ka Tirsan midnimo 2 Ay ka Qeybgalayaan ergooyinka Beesha sade ee ka imanaya Dalka iyo Dibadiisaba.

 

Mar Uu Ka Hadlayay in Shirkaan Uu Caqabad Ku Yahay Maamulka Axmed Madoobe Ayuu Sheegay in Dadka Kaga Jirra Beesha Sade Halkaas Ay Oga Yeereen Shirka islamarkaanna Laga Warsugayo laakiin Uu Shirkan Yahay mid Lagu mideynayo Waxgaradka Beesha sade.

 

Ma uusan Carabaabin Mudadda Rasmiga Ah Ee Uu Shirkani Soconayo Laakiin Waxaa uu sheegay in La Tashiyo kadib Ay Saxaafadda Usoobandhigi Doonaan Haduu Alle idmo.

 

Hoos ka dhageyso: