Top News:-Booliska Denmark oo u dhacay Xarun Internet oo ku taala Magaalada Copenhagen.

0

Hawlgal ay maanta Magaalada Copenhagen ka fuliyeen Ciidanka Booliska Denmark, ayaa waxay ku soo qab qabteen tiro dad ah, oo lala xiriirinaayo ku lug lahaanshaha labadii weerar ee ka dhacay Magaaladaasi.

Booliska, ayaa waxay u dhaceen xarun internet-ka laga daalacdo oo ku taala Magaalada Copenhagen, waxaana la soo sheegayaa in tiro dad ah ay ka soo qab qabteen.

Xaafadda hawlgalka laga sameeyay, ayaa waxaa ku badan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Magaaadaasi Copenhagen, waxaana la tilmaamay inay degan yihiin dad ka soo kala jeeda dalalka Carabta, Somaliya iyo Pakistan.

Labada weerar ee ka dhacay Magaalada, ayaa mid ka mid ah waxaa lagu qaaday maqaaxi lagu shaaho oo lagu magacaabo Krudttønden café, xilli ay dood ka socotay, iyadoo weerarka kalana lagu qaaday macbad ay ku cibaadeystaan dadka Yahuuda ihi.

Booliska, ayaa goor sii horeysay sheegay inay toogasho ku dileen nin la rumeysan yahay inuu geystay labadaasi weerar. Boolisku waxay xaqiijiyeen in weeraradaasi lagu dilay laba ruux oo rayid ah, halka shan kalana oo Booliska Denmark ka tirsan lagu dhaawacay.

Denmark4

C/laahi Axmed Ibraahim  oo ka mid ah jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool Magaalada Copenhagen, ayaa sheegay in weeraradaasi ay dhibaato ku keeni karaan Muslimiinta degan Magaalada Caasimadda ah ee Copenhagen.

Haweeneyda Ra’iisal Wasaaraha ka ah dalka Denmark Helle Thorning-Schmidt, ayaa waxay sheegtay inaanu nabadgeli doonin shakhsi kasta oo dil bareer ah, u geysta qof shacab oo bilaa dembi ah.

Waxay kaloo balanqaaday inay difaaci doonto dadka Yahuuda ah ee ku nool dalkeeda, lagana hortaggi doono kuwa doonaaya inay waxyeelo u geystaan, sida ay tiri.

Weerarada ka dhacay Xarunta Denmark, ayaa waxay dareen baqdin leh ku dhaliyeen dadka Muslimiinta ah, bacdamaa ninka weerarka geystay uu Muslim yahay.

Ninkaasi oo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir, kuna dhashay Denmark, ayaa waxaa taariikhdiisa ka muuqaneyso ciyaal suuqnimo, sida ay baahisay Warbaahinta Denmark.