(Sawirro) Ku-simaha R.Wasaaraha Ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha XRW.

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulan diiradda lagu saaray sidii wada shaqayn buuxda iyo is faham u dhex mari lahaa maamulka sare iyo waaxayaha kala duwan ee xafiiska.

Ugu horeyn, waxaa kulanka ka hadlay Xog-hayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur, wuuxuuna sheegay in la joogo xiligii xafiiska wax laga qaban lahaa, maadaama ay soo dhamaatay dhismahii xukuumadda iyo ansixinteedii, sidaas daraadeedna hadda kadib loosoo wada jeesan doono sidii dib u habayn ballaaran loogu sameyn lahaa habsami u socodka shaqada xafiiska R/Wasaaraha.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ku booriyay in shaqaaluhu la yimaadaan shaqo hufan isla markaana ay sii xoojiyaan shaqooyinka xafiiska, isagoona tilmamaay wixii hadda ka danbeeya in qof waliba lagula xisaabtamayo waxa uu qabto.

“Kulankaani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanayna waa in aan isbarano, dhagaystana tabashooyinkiina, isla markaana laga wada hadlo sidii kor loogu qaadi shaqada xafiiska oo laf dhabar u ah maamulka dowladnimo, ayna u noqoto tusaale wanaagsan wasaaradaha dowladu. Waxaana dib-u-habeyn lagu sameynayaa maamulka iyo shaqalaha xafiiska, qof walba oo kasoo baxa waajibaadka saarana wuxuu heli doonaa xuquuqda uu leeyahay” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenku.

Ugu danbeyn, Agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka tallo soo jeedintiisa ku aadan in dib u habayn ballaaran lagu sameeyo shaqada xafiiska, ayna diyaar u yihiin in ay kala qayb qaataan sidii loo hirgelin.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta XRW
Muqdisho, Soomaaliya

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed