Maxaad Ka Taqaan Taarikhda Taliyaha Cusub ee Hay’ada Nabad Sugidda Gobalka Banaadir (Akhri).

0

Col.C/xakiin Axmed Farey waa shakhsi isku darsaday aqoon,karti iyo xirfad ciidannimo. Wuxuu ku dhshay magaalada Baladweynene sanadkii 1968-dii. Isla magalaadaas ayuu wuxuu ku qaatay wabarashadiisa hoose/dhex ilaa dugsiga sare.

Horrantii sagaashamaadkii wuxuu fursad waxbarashoo heer jaamacadeed ah ka helay dalka suudaan oo uu ka soo bartay maamulka iyo maareyntaa. Sanadkii 1998 ayuu mar kale dib ugu soo laabtay waddanka, wuxuuna qeyb ka noqday aqoonyahanndii isku hawlay in kaqeybqaataan dib u dhiska waddanka.

Taliye C/xakiin Farey, wuxuu si gooni ah diiradda u saaray dhanka waxbrashada, isaga oo aasaasay dugsiyo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen iskuulkii Caalami, Salaam iyo dugii sare ee la magac baxay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Taliye C/xakiin kuma ekeyn waxbarashada oo kaliye waxa uu u dhuun daloolay dhanka siyaasadda iyo wax ka badalidda hogaanka dalka, isaga oo ka mid ahaa ururkii aqoonyahannada Soomaaliyeed ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweynihii hore Soomaaliya Sh.Shariif, sidoo kale wuxuu taliyuhu qeyb ka ahaa kacdoonkii magaalada Muqdisho lagaga saaray hogaamiye kooxeedyadii sanadkii 2006. Wixii intaa ka danbeeyay Taliye C/xakiin wuxuu ku biiray nabad sugidda qaranka ilaa uu ka gaaro darajada Gaashaanle sare.

Taliye C/xakiin wuxuu nabad sugidda qaranka kasoo qabtay xilal kala duwan, sida: 

– Hoggaanka xiriirka dibadda
– Madaxa ilaalada madaxtooyada 
– Hoggaanka qorshenta iyo tababarrada
– Lataliyaha taliyaha nabad sugidda

C/xakiin Farey, waxaa hadda loo magacaabay taliyaha nabadsugidda gobalka Banaadir, marka laga soo tago khibradda shaqo iyo aqoonta uu u leeyahay nabad sugidda, taliyuhu wuxuu ka mid ahaa dadkii mar labaad wax ka aasaasay hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliya.