(Dhageyso) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ku Geeriyooday Mambasa.

0

Alle ha u naxariistee waxaa Saaka Magaalada Mambasa ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali oo kamid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaas oo Maalmahaan ku Xanuunsanayay Magaaladaasi Mambasa.

Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali ayaa kamid ahaa Xildhibaanada ugu da’da weyn Baarlamaanka,waxaana uu Xilal ka soo qabtay Dowladdihii Dalka soo maray.

Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Dhalinyarada Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdirashiid  ahna Ehelka Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed ayaa Tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelka Xildhibaanka Geeriyooday.

Alle ha u naxariistee  Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali ayaa Ifka uga tagay Afar Caruur ah oo kala ah Labo Wiil iyo Labo Hablood.

Halkaan Hoose ka dhageyso: