(Dhageyso) Macalimiinta Aada Dugsiyada Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Qarash La’aan Dhanka Dowladda Ah Ka Cabanaya.

0

Maamulka iyo macalimiinta barnaamijka Aada dugsiyada ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabanaya qarash la’aan dhanka dowladda Federaalka ka dib markii ay sheegeen in muddo 14 bil aysan helin qarashka dhanka dowladda looga baahnaa.

War-saxaafadeed ay si wada jir usoo saareen ayeey ku sheegeen in dowladda Federaalka gaar ahaan wasaaradda waxbarashada aysan bixin qarashkii laga doonayay ee macalimiinta, gaar ahaan kuwa Aada dugsiyada ee ka shaqeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

“Wasaaradda Waxbarashada ayaa heshiis kula gashay macalimiinta muddo Seddax Sano ah in la siiyo lacag dhan 200 oo doolar, waxaana Boqol ay ka imaanaysay dhanka dowladda Federaalka, Boqolka ay bixinayso UNICEF, dowladda 14 bil lagama hayo lacagtaasi, balse hay’adda ayaa sidii loogu tala galay u bixisaa lacagtii looga baahnaa” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay barayaashaan iyo maamulka Barnaamijka Aada Dugsiyada gobalka Shabeelaha Dhexe soo saareen.

Ugu dambeyn ayeey si wadajir ah ugu baaqeen dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada in ay soo dedejiso siinta macalimiintaan qarashaadka ka maqan, si aanay dib u dhac ugu imaan barnaamijka Aada Dugsiyada.

Halkaan Hoose ka dhageyso: