Xukuumadda oo Baarlamaanka la horgeynaayo iyo Xildhibaano sheegay inaysan codka siin doonin.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in Xukuumadiisa cusub ee ka kooban 67-xubnood uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya sida ay go’aamiyeen guddiga Joogtada ee Baarlamaanka dalka.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in kulanka Baarlamaanka uu furmo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uu horgeeyo si codka kalsoonida ah xubnaha Baarlamaanka ay ugu qaadaan, xilli ay jiraan Xildhibaano diidan Xukuumaddaan cusub.
Xalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo gaar-gaar ah oo ay yeesheen Xildhibaano Mucaarad ah iyo kuwa muxaafid ah oo taageersan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Xubno ka mid ah Xildhibaanada ku midoobay Kudladda Bad-baado Qaran oo lasoo xiriiray Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, islamarkaana maanta ay siin doonaan codka kalsoonida ah, kolka Baarlamaanka la horkeeno Xukuumadda.
Sidoo kale xalay iyana waxaa Magaalada Muqdisho ku shiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo diidan qaab dhismeedka Xukuumadda cusub, waxa ayna sheegeen Xildhibaanadaasi inaysan codka kalsoonida ah siin doonaan Xukuumadda ka kooban 67-xubnood hadii Baarlamaanka la horkeeno.
Xildhibaan Bishaar Ugaas oo kamid ah xubnaha kulanka xalay yeeshay ayaa Idaacada VOA u sheegay inay haystaan tiro ku filan oo Xildhibaano ah oo ay kaga soo horjeesan karaan Xukuumadda, islamarkaana ay isku kalsoon yihiin inay ridi karaan Xukuumadda, isaga oo intaasi warkiisa ku daray inay gaarayaan ilaa 120 Xildhibaan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa shalay ilaa xalay waxa ay wadeen kulamo kala duwan oo ku aadan sidii xayndaabka Baarlamaanka looga gudbin lahaa Xukuumaddan, maadaama labo Xukuumadood oo hore oo uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Sharmaake Baarlamaanka ay diideen.
Hadii Xukuumadaan Baarlamaanka ay diidaan, waxa ay noqonaysaa Xukuumadii 3-aad ee ku hor kufta Xildhibaanada hortooda, iyadoo aan saadaal laga bixin karin kulanka maanta ay xubnaha Baarlamaanka yeelanayaan iyo natiijada kasoo bixi doonta.