(Sawirro) Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Uduulay Dalka Ethopia.

0

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-2-2015 u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada Addis-ababa.

Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Wasiiro , Xildhibaano, maamulka Gobalka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo weftiga la socda ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Burcad badeeda Puntland, Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo sidookale Wasiir Dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

” Waxaan saaka u safrayaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethopia oo aan u aadi doono howlo la xiriira barnaamijyada horumarineed ee mashaariicda Puntland iyo la dagaalanka argagixisada” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Shacabka reer Puntland ayuu madaxweyne Gaas ugu baaqay inay kaalin weyn ka qaataan dagaalanka lagula jiro ururka argagixisada ah ee Al-shabaab oo ay jab xoogan u geysteen ciidamada Puntland.

”Waad aragteen howlgaladii laga fuliyey magaalada Boosaaso iyo guulaha waaweyn ee ciidanka Puntland ka gaareen howlgaladaasi sidookale ciidamadeenu waxay howlgal fiican ka wadaan buuralayda Galgala iyo dhulka ku xeeran ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmaha kooban ee uu ku suganaan doono dalka Ethopia waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu saraysa dalkaasi.

Hoos Ka daawo sawiradda:

IMG_3613 IMG_3615 IMG_3625 IMG_3638 IMG_3639 IMG_3640 IMG_3641 IMG_3644 IMG_3646 IMG_3650 IMG_3655 IMG_3662 IMG_3663 IMG_3674 IMG_3677 IMG_3679