(Sawirro) Daawo Qaabkii Uu Dhacay Dilka Xildhibaan C/laahi Qayaad Oo Muqdisho Lagu Dilay Maanta.

0

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir, kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd  Degmadaasi ku dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan C/laahi Qayaad Barre oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko.

Ragga dilka geystay ayaa watay qori noociisa uu yahay Ak 47 waxaana la maqlaayay dhawaqa rasaas xoogan oo ay ku fureen Xildhibaanka xilli uu saarnaa gaari yar.

Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa Xildhibaanka gaarigiisa wuxuu taagnaa meel ku dhaw Isgoyska Imperatoria Degmada Xamar jajab, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii geystay falka dilka ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u badan ayaa hada goobta soo buux dhaafiyay, iyaga oo qabtay hal ruux oo looga shakiyay wax ka ogaanshaha dilka Xildhibaanka.

Kooxdii dilkaan geysatay ayaa baxsatay waxaana ay ku carareen Xaafadaha Degmada Xamar Jajab, iyadoo aysan jirin cid ka daba tagtay.

Hoos Ka Arag Sawirro Aan Ka Helnay.

20150209_10190620150209_102029 20150209_102035 20150209_102059 20150209_102148