Kooxo hubaysan oo xalay dil ka geystay Degmada Afgooye.

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose kooxo hubaysan ayaa Degmadaasi xalay waxa ay ku dileen Qasnajigii hore ee Maamulka Degmada Afgooye.

Raggan oo ku hubeysnaa Bistoolad, ayaa Qasnijigii hore ee Maamulka Degmada Afgooye, waxa ay ku dileen goob laga cunteeyo, xilli xalay halkaasi uu ka cunteenaayay.

Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Farey ayaa raggii ka dambeeyay dilkiisa durba ay meesha ka baxsadeen, si ciidamada aysan ugu soo gaarin goobtaasi.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay dilka, inkastoo aysan soo qaban dad ay ku tuhmayaan dilkaasi.

Kooxaha dilalka ka geysta Degmada Afgooye ayaa badi ka baxsada goobta ay dilka ka geystaan, xilli ciidamada ay soo gaaraan halkaasi, marka ay baxsadaan raga dhibaatada geystay.

Afgooye Bishii lasoo dhaafay ammaankeeda wuxuu ahaa mid wanaagsan oo waxaa ku yaraa dilalka qorsheysan ee ka dhaca.

Dhalinyaro ka tirsan Kooxda Shabaab ayaa beegsiga ku haayo ragga u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwii lasoo shaqeeyay Dowladda intaba.