(Dhageyso) Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga Dowladii KMG aheyd oo Muqdisho ku geeriyooday.

0

Allaha u naxariistee waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dowladda KMG Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo muddooyinkaan ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.

Muuse Nuur Amiin ayaa wuxuu Wasiirka Amniga iyo arimaha gudaha kasoo noqday Dowladii uu hogaamin jiray Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed 2008, xilligaasi oo ciidamada Itoobiya ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho.
Geerida Muuse Nuur Amiin, ayaa waxaa Warbaahinta  u xaqiijiyay Xilhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo sheegay in Marxuum Muuse muddooyinkaan dambe uu ahaa bukaan socod, islamarkaana saaka aroortii uu ku geeriyooday Isbitaalkii Digfeer ee hada loo bixiyay Ordugan.
Hoos Ka Dhageyso: