Deg deg:- Xildhibaan Lagu Dilay Dagmadda Xamar Jajab Ee Magaaladda Muqdisho.

0

Wararka Naga soo gaaraya degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho Ayaa sheegaya in Goordhow Oo Maanta Ah Lagu dilay Allah u naxariistee Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka.

Sida Ay Sheegayaan wararku Koox hubeysan ayaa xildhibaanka dilay xilli uu kasoo baxayay gurigiisa oo Ku Yaalla Dagmadaasi, Lamana Oga Sababta Ay Udileen Xildhibaanka.

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cabdikariin Xaji Buux ayaa Warbaahinta Uxaqiijiyay Dilki Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Oo Saaka La Dilay.

Kooxihii Dilka Geystay Ayaa La sheegay iney ka baxsadeen Goobta , Waxaanna halkaasi Hadda Baari Taan Ka wada ciidamadda Dowladda.

La soco wixii ku soo kordha haduu alle idmo.