Weerar Xalay Lagu Qaaday Saldhig Ku Yaalla Boosaso.

0

Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerareen Hotel ku yaala magaalada, kaasi oo aan ka fogeyn xabsiga magaalada Boosaaso.

Warar kale ayaa sheegaya in ujedada weerarka uu ahaa Hooyga Magaaladaasi uu ka degan yahay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Gobolka Bari.
Dhismaha gurigan kama fogo Hoteelka, wuxuuna sidoo kale ku dhaw yahay aqalka Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.
Hoyga la weeraray waxa uu ku yaallaa xaafada Raf iyo Raaxo, oo dadka qaarkii ay u garanayaan Hillaac. Haddii si kalana loo dhigo waxa uu hoyga masuulkaasi ku dhow yahay Xabsiga weyn ee Boosaaso.
Wararka waxay sheegayaan in labo ruux ay ku geeriyooday weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Saraakiisha magaalada ayaa sheegay inlabada ruux ee dhimatay ay ahaayeen askari iyo mid kamid ah kooxahii weerarka geystay, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 3 booliska Puntland ay ku dhinteen.
Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa waayahan dambe noqday mid xumaaday.