Top News:- Gudoomiye Jawaari oo laga gudbiyay mooshin lagu dalbanayo in aanu shir-gudoomin kulanka berri (Akhriso Qoraalka)

0

Iyadoo maalinta berri ah la filayo in Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si codka kalsoonida loogu qaado ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulanka berri aanu shir gudoomin doonin Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay u gudbiyeen Gudoonka mooshin ka dhan ah Gudoomiye Jawaari oo ku aadan habka shir-gudoominta kulanka berri, iyagoo tilmaamay in aysan ku kalsoonaan karin shir-gudoomintiisa.

Xildhibaanada ayaa mooshinka ay u qoreen Gudoonka Baarlamaanka u cuskaday qodobo badan oo ay ku eedeynayaan Gudoomiye Jawaari, waxaana ka mid ahaa in aan Gudoomiyuhu tixgelin siineyn aragtida Xildhibaanada iyo in aanu hoos u fiirineyn kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka dhex jirta Xildhibaanada.

Warar ay heshay AGGM ayaa sheegaya in markii Xildhibaanada ay u gudbiyeen Gudoomiye Jawaari qoraalkan isaga iyo labadiisa kuxigeen ayuu u sheegay in xataa hadii aysan mooshin ka keeni laheyn oo ay kaliya ka dalban lahaayeen in aanu shir gudoomin kulanka berri uu diyaar u ahaan lahaa inuu dhex fariisto oo aanu shirka gudoomin.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maalinta berri uu shir gudoomin doono shirka Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo uu dhinac fadhiyo Gudoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad

Nuqul ka mid ah mooshinka Xildhibaanada ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan helnay ayaa sidan u qornaa:-

“Mudane Gnddoomiye Kuxigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo Mudanayaal, annagoo ah Xildhibaanada Magacyadooda iyo Saxeexyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir guddoonka Golaha Shacabka ee uu nooga ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS sababo jiro awgood kuwaasoo ah sidan:-

1. Markaan aragnay in aadan siineynin tixgelin haba yaraatee aragtida Xildhibaanada aad kalsoonidooda kursiga ku fadhido

2. Markaan aragnay inaadan hoos u fiirineynin kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee ka dhexjirta wakiilada Shacabka adiga 00 xog ogaal dhaba u ah.

3. Markaan darsinay inaad indhaha ka xiratay dhagahana ka fareeysatay in Xukuumad wadaag ah dalka loo dhiso, sida ay Golaha Shacabka JFS ka jeediyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisal Wasaarihii au soo magacaabay kolkii kalsoonida Golaha looga dalbanaayey si uu u soo dhiso Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad wadaag.

4. Markaan aragnay in aad la wadaagtay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inaad lasoo dhisato xukuurnad aad

3-diina wadaagteen, sida aad ka hor qiratay Xildhibaanada kudladaha kulankii aad la qaadateen guddoonkiina ayadoo ay ku hareer fadhiyaan Kuxigeenka 1-aad iyo Kuxigeenka 2-aad taasoo aad si bareer ah ugu hor qiratay waliba adigoo kusii adkeystay in haddii ay kalsooni heli weysana aad kusoo celin doonto xubnihii aad la dhisatay adigoo ku dhiiranaaya mudanayaasha hortooda iyo Kuxigeenada taasoo dhakafaar nagu noqotay daneysiga danihiina gaarka ah 00 aan ka tu$umeynin danta guud iyo maslxada shacabka.

5. Markaan aragnay qodobada qaanuuniga ah sida Dastuurka KMG

Q.65 — F.3aad, iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Qodobka 9-aad F. 5-aad sababaha iyo awoodaha hay’adaha dowlada adigoo aan dhexdhexaad ka noqoneynin sida aad markasto uga milanto una fiirineynin sida danta, dalka iyo diinta ay ku jirto iyo dhowris la’aanta dastuurka, Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

6. Markaan xaqiijinay ka waantoobid la’aanta danahaaga gaarka ah, Ayaan waxaan soo jeedintaan (Mooshin) u keenay in aanan ku kalsoonaan karin shir guddoomintii Golaha Shacabka aan kuu dooranay adigoo ahaa Mudane anaga nala mid ah sidaas daraadeedna maadaama dalka uu maraayo marxalad aad u qalafsan 00 mugdi gelineysa hiigsiga 2016 sidii lagu gaari lahaa dalkana loogu ansixin lahaa xukuumad kasbata kalsoonida Xildhibaanada Golaha Shacabka si ay horay ugu guda gasho howlaha laga sugaayo hey’adda fulinta (Xukuumadda) sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016 taasoo aysan mudanayaashu ogolaaneyn in ay Madaxda Qaranka soo xusheen cidii danahooda kaliya ugu shaqeyn laheyd una fulin laheyd aragtidooda iyo rabitaankooda kaliya taasoo ah mid aan si wada jira loo wada wajihi Karin, shaki weyna galineysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dunida dacaladeeda ka joogaan taasoo ay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan meesha 100 socda taasoo ay doonayaan in ay dad qaas kaliya wax og yihiin ama koox gaara ay wax og yihiin ama ay danley ku heshiisay.

Sidaas daraadeed kuma kalsoonaan karno shir guddoonka Golaha Shacabka JFS inta lagu jiro xaaladaan qalafsan waa inaad ka degtaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS maadaama aad lumisay kalsoonida Xildhibaanada.halka hoose qoraalka oo labo ah ka furo