TOP NEWS: Dhageyso Xildhibaan Jeesow ''Axmed Madoobe waa hoggaamiye kooxeed wax maamul ah oo Kismaayo ka jirana ma jiraan'' – Wareysi kulul

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in maamulada qaar ee hadda dalka ka dhisan aan loo marin wadadii sharciga ahayd sida maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay inay fashilmeen dhowr heshiis oo la wada galay isla markaana dowladdu aysan heynin maamulka Kismaayo.

Horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni ayuu dusha kaga tuuray dilalka, kufsiga iyo boobka ay maleeshiyadiisa ka geysato magaaladaasi oo ay dowladda Xasan Sheekh aqoonsan tahay ayuu ku eedeeyay inuu si xoog ah magaaladaasi kula wareegay.

“Adeer Axmed Madoobe waa hoggaamiye kooxeed markiise hore ahaa Alshabaab markii ka sii horreysayna ahaa Xisbul Islaam markiisa kalena ahaa nin Al itixaad ah marka meeshaas Kismaayo wax maamul ah ooka jiro oo ay dowladda aqoonsan tahay ma jiro dowladda laguu sheegayana waa baarlamaanka” ayuu yiri Jeesow.

“Dilalka iyo kufsiga Kismaayo waxaa geysanaya kooxdaas Raaskambooni ee meesha ka ceyrsatay Alshabaab, marka Jubba waa seddex gobal Jubbada Hoose degmo ka tirsan oo Kismaayo la yiraahdo ayuu Axmed Madoobe joogaa, Jubbada DHexe waxaa jooga Alshabaab oo iyana lamid ah ninkaas gobalka Gedo isna Axmed Madoobe ma tegi karo oo waad og tihiin raggii u dhashay baa jooga” ayuu yiri xildhibaan Jeesow oo sii hadlayay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in maamul beeleedka  ka dhisan magaalada Kismaayo  uu yahay mid hoggaamiye kooxeed Axmed Madoobe uu heysto isla markaana uusan ka imaan shacabka loona baahan yahay in maamulku uu noqdo mid ay shacabku leeyihiin.

Halkan ka dhageyso wareysiga Xil. Jeesow: