Sawirro:- Taliska Booliiska Puntland oo Faahfaahin ka bixiyay Weerar Xalay Ka dhacay Boosaso " Doow Naxdin"

0

Shir Jaraid oo Maanta ka dhacay Xarunta Taliska Qeybta Booliiska Ee Gobolka Bari oo ay Goob jog ka ahaayeen Saraakiisha laamaha Amaanka Puntland Maamulka Gobolka Bari Maamulka Degmada ayaa lagu faahfaahiyay Weerar Habeenkii Xalay lagu qaaday Bar kantrol oo ku taala Agagaarka Hotel Panaroma ee Boosaaso Halkaas oo uu ka dhashay Khasarae iskugu jira Dhismasho iyo Dhaawac .

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Gen Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa Faahfaahiyay Sida Habeenkii Xalay u dhacay weerarkii lagu qaaday Barta kantorol ee Ciidamada amaanka isaga oo sheegay in Mid ka mid ah Ciidamada uu ku dhintay weerarka Halka Hal nin laga dilay dhinici weerarka soo qaday isagoo arimahaas faahfaahinaya waxaa uu yiri.

Dhinaca kale Taliyaha Qeybta Booliiska Gashaanle Sare C/xakiin Xuseen Yuusuf ayaa Ku eedeyay Ganacsto iyo Shaqsiyaad Dowlada U shaqeeya inay dhacdooyinkan ku lug leeyihin.

Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muse gurigiisa uu aad uga agdhawaa Goobta la weeraray Ayaa sheegay in Dadka Deegaanka ay qeyb weyn ka yihiin Gabaad siinta Dadka Fulinaya Howlagalada Waxaana Gesta kale uu sheegay in dadkii la qabtay iyo kuu dhintayba laga helay Lacag Somaliland ah horeyna ay uga heleen Rag kale lacagahan isaga oo xusay in Ay Marinka ay ka yimaadaan ay halkaas tahay.

Gen Muxiyadiin AXmed Muuse waxaa uu sheegay in Marka laga Yimado Dhacdadii Xalay in ay ciidamada amaanka Magaalooyin kale ku qabteen Dad Lagu lala xiriinayo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab oo Dowlada ay dagaal kula jirto.

Taliska Booliiska Puntland waxaa ay Soo bandhigeen oo ay nolol ku hayaan 3 qof oo Ka badbaaday Shilka gaariga Noohada ah eek u dhacay Jidka Sodonka Iyo Nin kii Lahaa Gaariga Falkan Lagu geystay Waxaana sidoo kale isbitaalka yaala Meydka Laba ka mid ah dhincii Xalay Weerarka ka danbeyay oo mid kood Gaariga ku dhintay.

Xarakadda All-shabaab Ayaa dhankoodda Sheegatay Masuuliyadda weerarkii Xalay Waxeynaha Baraha Bulshadda ee Afkoodda Ku Hadla Ku Daabaceen Iney Tiro Badan Oo Ciidanka Dowladda Ah Ku Dileen.

Hoos Ka Daawo sawiradda;

IMG_9056 IMG_9054 IMG_9053 IMG_9052 IMG_9050 IMG_9048 IMG_9046 IMG_9044 IMG_9041 IMG_9040 IMG_9038 IMG_9036 IMG_9035 IMG_9034 IMG_9032 IMG_9031 IMG_9027 IMG_9024 IMG_9022 IMG_9019 IMG_9018 IMG_9017 IMG_9014 IMG_9012 IMG_9011 IMG_9009 IMG_9005 IMG_9004 IMG_9003 IMG_9002 IMG_9001 IMG_9000      IMG_8993 IMG_8992 IMG_8991 IMG_8990