Dhageyso:Maamulka gobalka Galgaduud oo ka hadlay wafdiga gaaray Dhuusamareeb iyo waxa ka soconaya

0

 

Xubno ka tirsan Gudiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo soo dhaweynta wafdiga kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Gudigan ay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta ah ee ka soconaya Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud,

Gudoomiye Cirfo ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Cid weliba oo ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta ah ee ay idugu yimaadeen ergooyin kala duwan oo kala matalaya beelaha wada daga Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso: