(Dhageyso) Saxafiyiin Baydhabo Ku Sugan oo Shaqo Joojin ku Dhawaaqay.

0

Wariyeyaal ka hawlgala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ku dhawaaqay in ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin kadib marka sida ay sheegeen ay cadaadis iyo xanibaad kala kulmeen wasiirka warfaafinta maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.

Muxyadiin Xusni oo u shaqeeya idaacadda la’iska arko ee Universal oo ku hadlay magaca wariyeyaasha iyo mas’uuliyiinta idaacado ka hawlgala Baydhabo ayaa sheegey in wasiirka warfaafinta Xasan Cabdi Maxamed uu si shaqsiyan ah ula dagaalamay saxaafadda, kana hor istaagay gudashada hawshooda maalmeed.

“Runtii iyaga ma dareemi karaan culeyska, waxaa dareemi kara wakiil wareedyada ee halkan jooga kuwaasi oo usopo dhabar adeegey intaanan la dhisin maamulka, culeysyo badan usoo dhabar adeegey, qaar badan oo ka mid ah la jirdiley, sababtuna ay ahayd warar ay baahiyeen oo ku saabsan sidii maamulka u dhismi lahaa, marka markii dowladdii cagaheeda isku taagtay, oo la aqoonsaday, ma heysano madaxweynaha, iyo wasiirada kale, laakiin culeyska ugu weyn wuxuu ka yimid wasiirka warfaafinta, qofka lagu magacaabo Xasan Cabdi Maxamed” ayuu yiri Muxyadiin.

Wuxuu intaasi ku daray in cabasho ay ka gudbiyeen, iyada oo ay intaasi dheertahay in xitaa wasiirka uu ka hor inta uusan xilka qaban u hanjabi jirey wariyeyaasha sida ay sheegeen warfidiyeenada.

Waxa ay soo taxeen dhacdooyin badan oo muhiim ahaa oo ay warbaahinta ay u shaqeeyaan iyo bulshadaba ka sugeysay in laga hor istaagay in ay tabiyaan, sida mar uu maanta Baydhabo ku laabtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasi oo loo diidey in ay soo duubtaan wariyeyaasha.

Hoos Ka Dhageyso: