(Dhageyso) Safarkii Madaxweynaha uu ku tagi lahaa Dhuusa Mareeb oo baaqday.

0

Safar uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi lahaa, maanta oo Axad ah Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa dib udhac ku yimid.

Sababta baaqashada safarka Madaxweynaha ayaa xubno kamid ah Ergooyinka ku shiraya Magaalada Dhuusa mareeb, waxa ay inoogu sheegeen inay tahay in Madaxweynaha uu ubaaqday kulanka Baarlamaanka ee berito oo Xukuumadda la horgeynaayo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berito lagu wadaa in la horgeeyo Xukuumadda Soomaaliya, si codka kalsoonida ah loogu qaado Xukuumadda.

Hoos ka dhageyso wareysi aan la yeelanay wariye Maxamed Tooxow Oo Jogga Dhuusamareeb.