(Dhageyso) RW hore Farmaajo ''Wasiirada la magacaabay looma heli karo dhaqaale ku filan''

0

Isagoo Wareysi bixinayay  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed farmaajo ayaa uga hadlay Siyasaada dalka Gaar ahaan soo magacabista Xukumada, xalada dalka u wajahayo iyo arrinta Maamulada Dalka.

Ra’iisul Wasaare farmaajo ayaa hadalkiisa ugu horeyn kusoo hadal qaday tirada Xukumada uu so dhisay R/wasaare  Cumar C/rashiid Cali sharmaake taaso uu ku tilmaamay in tira badnatooda ay keeni karto Caqabad dhanka dhaqalaha oo dalka ka kabsan Karin.

Waxa uu xusay marka  la fiiriyo tirada Xukumada iyo dhaqalaha ku baxaya xiliga uusan awoodin dalka.

Dhinaca kale Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa Baarlamanka Soomaliya kula taliyey inaysan qeyb ka noqon siyaasadaha is diidan ee dalka ka jiraha iyo dagaalada qaba’ailada ee soo noq noqday ayna kal doortaan badbado Qaran iyo burburin Qaran.